Ku Samee Baaritaan caafimaad Ilmahaaga maalinwalba intaadan iskuulka u dirin
Si loo caawiyo hubinta iskuulo caafimmad qaba oo amni ah, waxaan codsanaynaa in dhammaan waalidiinta/daryeeleyaashu ku sameeyaan baaritaan caafimaad oo maalinle ah ilmahooda ka hor intaanay iskuulka u soo dirin maalmaha iskuulku u jiro. Fadlan isticmaal qalabka baaritaanka ee Waaxda Caafimaadka Minnesota (MDH). Waa kanaa qalabka baaritaanka oo kooban.