Navigation - Utility Portals

Landing-nav, don't delete

Updates

Kormeere: Codso ugu dambayn 15ka Janaayo iskuul cusub oo gebi ahaanba online ah

Daryeeleyaasha qaaliga ah:

Waxaan idiinku soo qorayaa inaan idinla socodsiiyo fursad cusub oo waxbarasho oo durugsan (codsiga waxaa ugu dambaysa 15ka Janaayo) ee ardaygaaga sanadka cusub.

Soo socda sanad-dugsiyeedka cusub: 279 Online, oo ah 100% Iskuul waxbarasho Cusub

Dhammaadka sannad-dugsiyeedkan, Akadeemiyadii waxbarashada Durugsan (oo loo sameeyey baahiyihii la xiriirey xanuunka) waa la xiri doonaa waxaana bedelaya sanadka cusub 279 Online, oo ah iskuul K-12 ah oo dhammaystiran oo maalintii oo dhan ah. 279 Online wuxuu noqon doonaa iskuul jira oo ikhtiyaari ah ardayda xiisaynaya barnaamij waxbarasho online ah oo buuxa. Marka ay timaado qaabka wax dhigista, wuxuu wax badan kala mid yahay DLA, laakiin waxaa kaloo jira waxoogaa kala duwanaansho ah.

DLA wuxuu kala mid yahay:

  • 100% waa online
  • Casharo toos ah iyo shaqo si madax banaan loo samaynayo oo isku jira
  • Manhaj buuxinaya heerarka shuruudaha qalinjebinta iyo kuwa gobol
  • Shaqaale tayo sare leh kuwaasoo u heelan si gaar ah iskuulka online-ka ah lana samaysan doona ardayda xiriir daryeel leh dhexdoodana isku xidhi doona.
  • Ardayda dugsiga sare waxay heli doonaan fursadaha si ay uga qaybgalaan ciyaaraha ay kafaalaqaadayso dugsiyada sare ee gobolka Minnesota ee ka dhacaya mid ka mida dugsiyadeena sare

DLA wuxuu kaga duwan yahay 279 Online -ku

  • 279 Online wuxuu ahaan doonaa iskuu iskii u taagan oo ikhtiyaariya. Ardaydu waxay codsan doonaan inay u wareegaan ama gelitaanka furan ee 279 Online.
  • Ardaydu laba iskuul kama wada diiwaangashaysnaan karaan kan iyo kii hore; Keliya waxay ka diiwaan gashanaan karaan 279 Online. Haddii ardaygaagu hadda ku jiro magnet iskuul, waad waayeysaa booskaagii iskuulka magnet ka markaad is qortid 279 Online
  • Diiwaangelintu ma dhaafi karto 2000 oo arday oo ku jira K-12; waxaa jiri doona baqtiyaa nasiib haddii tirada la soo codsadaa ka badato boosaska la hayo.
  • Bedeleshada sanadka dhexdiisa waa la aqbalayaa iyadoo ku xiran hadba boosaska la hayo.
  • Ardayda dugsiyada sare waxay ogaan doonaan maadooyinka ay qaadanayaan ka hor intayna codsan; Halkan ka fiiri maadooyinka dugsiga dhexe, dugsiga sarena halkan. Arday dugsiyada hoose waxay qaadan doonaan manhajka fasalkooda ee degmada.

Sida loo codsadaa

Si aad u hesho tixgelinta koowaad ee 279 Online, ka dalbo xarunta diiwaangelinta degmada ugu dambayn 15ka Janaayo, 2021. Halkan wax badan ka ogow.

Waa ku faraxsan nahay in aan bixino iskuul cusub oo online ah oo maalinkasta ah ardayda xiisaynaya barnaamij waxbarasho 100% durugsan. Waxaad ka heli doontaa macluumaad badan oo faahfaahsan iyo codsi online ah webka degmada (baadh “279 Online”). Haddaad su’aalo qabto, fadlan wac 763-585-7350.

Xushmad.

Cory McIntyre

Kormeere

Superintendent Cory McIntyre